Booliiska oo kala eryay dad isugu soo baxay xaafadaha ka tirsan Nairobi

0
337

Saraakiisha ammaanka ayaa kala eryay dad isugu soo baxay xaafadaha Mathare iyo Kibera ee ismaamulka Nairobi.
Mudaaharaadyada ay dhigayaan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa sidoo kale ka qabsoomay ismaamullada Migori, Kisii , Nyamira, Nakuru, Kisumu iyo magaalada Emali ee dowlad deegaanka Makueni.
Sidoo kale dhallinyaro ayaa maanta taayarro ku gubay meel u dhow halka uu ka billowdo marinka wayn ee Nairobi ExpressWay ee waddada Mombasa Road.
Shirkadda marinkan maareysa ee Moja Express ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ku sheegtay inay ka qoomamoonayso in si ku meel gaar ah loo joojiyay adeegyadii qayb ka mid ah waddadan gaar ahaan Mlolongo, Syokimau iyo khadka tareennada ee SGR .
Bayaanka waxaa loo aaneeyay dibadbaxyada socdo waxayna shirkadda intaasi ku dartay in la wado dadaallo dib loogu soo celinaya xaaladii caadiga ahayd.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hal qof dhinaca gacanta looga dhaawacay waran xilli ay koox weerartay dibadbaxayaal waddooyinka taayarro ku gubayay.
Qofka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka Bosongo halkaasi oo lagu daaweynaya.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ninkan dhaawacay ay wareegayaan iyagoo weeraraya cid kasta oo isku dayda inay mudaaharaad sameyso.
Dibadbaxyada ka dhacay ismaamulka Migori ayaa sidoo kale saameeyay howlaha ganacsiga iyo waxbarashada iyadoo albaabada la isugu dhuftay meheradaha ganacsiga iyo goobaha tacliinta.
Waxaa la xiray dugsiga hoose dhexe ee Migori Muslim primary school oo ku yaalla deegaan baarlamaneedka bariga Suna ka dib markii ardayda aynan dugsiga iska xaadirin.
Sidoo kale waxaa la carqaladeeyay isku socodka gaadiidka ee waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Rongo iyo Isebania .
Mucaaradka Azimio ayaa dibadbaxyada ay dhigayaan ku tilmaamay kuwo cadaadis lagu saaraya dowladda dhexe si ay uga laabato dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan .
Waxyaabaha ay walaaca ka muujinayaan waxaa ka mid ah in qiimaha canshuurta ee laga qaado badeecooyinka shidaalka oo horay ahaa boqolkiiba 8 in laga dhigay boqolkiiba 16.
Hoggaamiyaasha uu hor kacaya Raila Odinga ayaa sidoo kale dalbanaya in maamulka Kenya Kwanza uu qaado tallaabooyin lagu yareynaya sicir bararka nololeed ee dalka ka jiro.
Madaxweynaha dalka William Ruto , ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua iyo wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa dhammaantood sheegay in aan marnaba la oggolaan karin in gudaha wadanka ay ka dhacaan dibadbaxyo rabshadeysan oo lagu waxyeeleynaya ganacsiga iyo badqabka shacabka.
Mudaaharaadyadii Jimcihii ee loogu magacdaray Saba Saba ayaa waxaa ku dhintay ilaa 6 qof halka dhowr kale oo ay ka mid yihiin saraakiil amni ay dhaawacmeen.