Booliiska oo helay 5 baabuur oo la soo xaday

0
496

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in howlgallo laga sameeyay guri ku yaalla tuulada Kamulu ee bariga ismaamulka Nairobi lagu soo helay 5 baabuur oo laga shakisan yahay in la soo xaday.
Howlgalka saaka ayaa lagu soo xiray eedeysanaha ugu muhiimsan ee xatooyadan Salesio Njagi Kiura.
Tallaabada lagu soo qabtay tuhmanaha ayaa timid ka dib warbixin cabasho ah oo 10-kii bishan loo gudbiyay xarunta DCI-da ee xaafadda Buruburu.