Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku haya aabo 62 sano jir ah oo dilay wiil uu dhalay oo da’diisa lagu sheegay 12 sano.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in dhacdadan laga soo tabiyay tuulada Kipendeni ee ku taalla deegaanka hoose Olengape ee ismaamulka Narok.
Aabaha gacan ku dhiiglaha ah ayaa dilka wiilkiisa u adeegsaday Baangad oo uu dhowr jeer madaxa kaga dhuftay, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo booliiska.
Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeraad ah si loo ogaado sababta uu aabaha wiilkiisa uga takhalusay.
Dilka ayaa la rumeysan inuu salka ku haya arrimo qoys.
Waxaa lagu wadaa in maanta maxkamad la soo taago aabaha dilka gaystay.