Booliiska oo dib u soo celiyay xoola laga dhacay ismaamulka Samburu

0
428

Ka dib markii ay soo baxeen warbixin ku saabsan xatooyo xoolo ah oo ay burcad hubaysani ka geysteen deegaanka Kabache ee hoos tagata degmada Mutuati ee ismaamulka Samburu, ayaa saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Qaranka waxaa ay si degdeg ah uga jawaabeen sido kalena u bilaabeen hawlgal hufan oo lagu baacsanayo tuhmanayaasha burcadda ah.
Kooxda nabad-sugidda ayaa gacanta ku soo dhigay oo ka awood roonaaday burcadda hubeysan ee ku sugnaa deegaanka Kamanga oo ka tirsan maamul hoosaadka bariga Samburu, iyagoo ku guuleystay inay dib u soo celiyaan 15 neef oo lo’ ah iyo 30 neef oo ari ah, kuwaasoo dhawaan lagu wareejin doono dadkii lahaa.
Ciidanka Booliska Qaranku ayaa lagu ammaanay sida degdega ah ee ay wax uga qabteen dhaca burcadda, waxana ay shacabka uga mahad-naqayaan sida joogtada ah ee ay uga feejigan yihiin iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka tuuganimada xoolaha iyo noocyada kale ee burcadda ah.