Booliiska oo cambaareeyay rabshado shalay dhacay

0
351

Waaxda qaran ee adeegga booliiska ee NPS ayaa bayaan ay dhawaan soo saartay ku sheegtay inay si kulul u cambaareynayso rabshado iyo burbur shalay laga soo tabiyey qaybo ka mid ah wadanka oo ay dibadbaxyo ka dhaceen.
Taliyaha guud ee ciidamada booliiska wadanka Mr. Japheth Koome ayaa bayaanka ku sheegay in hal askari uu u dhintay dhaawac shalay lagu gaarsiiyay Kisumu.
Waxaa sidoo kale dhaawacyo culus ay soo gaareen 20 booliis oo kale.
Koome ayaa intaasi ku daray in la burburiyey hanti aan weli qiimaheedu la cayimin iyadoo ay socdaan baaritaano ku aaddan dhacdooyinkan.
NPS ayaa xustay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono shakhsiyaadka lagu caddeeyo inay rabshadahan ku lug leeyihiin.