Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa beeniyay in shalay koox burcad ah ay weerar ku qaadday xero ay ciidamada sida militariga u tababaran ee GSU-da ay ku leeyihiin tuulada Kapindasum ee ismaamulka Baringo.
Waxaa weerarka la soo tabiyay gaashaanka u daruurtay afhayeenka booliiska dalka Resila Onyango .
Waxay hoosta ka xarriiqday in xeradaasi aan weerar lagu qaadin sidii horay la faafiyay.
Resila ayaa intaasi ku dartay in xaaladda tuuladaasi ay tahay mid deggan.
Booliiska dalka ayaa xusay in rasaas la iswaydaarsaday xilli ciidamo ka tirsan GSU-da oo bartool sameynayay uu baabuurkooda ka gudbayay buundada webiga Kapindasum.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in koox burcadnimo looga shakiyay ay rasaas ku fureen saraakiisha oo ka dibna falcelin sameeyay.
Lama soo tabin cid ay waxyeello ka soo gaartay is rasaaseynta.




