Ciidamada booliiska ayaa baaritaano ku hayo dhacdo waddada Thika Road looga helay meydka haweeney 24 sano jir ahayd.
Saraakiisha dambi baarista ayaa laga soo xigtay in haweeneyda la toorriyeeyay ka hor inta aan lagu dhex dilin dhisme aan sidaasi uga fogeyn TRM Drive.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababta falkaasi loo gaystay.
Waxaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray saraakiisha booliiska ee deegaanka Kasarani iyagoo meydadka haweeneyda soo qaaday si qalliin baaritaan ah loogu sameeyo.
Tani ayaa imaanaysa toddobaadyo un ka dib markii meydka haweeney kale oo lagu magacaabi jiray Starlet Wahu Mwangi laga helay dhisme ku yaalla xaafadda South B ee magaalada Nairobi waxaana falkaasi loo xiray eedeysane John Matara Ongoa iyadoo booliisku ay weli baaritaano wadaan.