Booliiska oo baaraya meydka haweeney laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla Nairobi

0
310

Ciidamada booliska ayaa baaritaano ku haya dilka haweeney meydkeeda laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla xaafadda Roysambu ee magaalada Nairobi.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababta falkaasi loo gaystay.
Tani ayaa imaanaysa toddobaadyo un ka dib markii meydka haweeney kale oo lagu magacaabi jiray Starlet Wahu Mwangi laga helay dhisme ku yaalla xaafadda South B ee magaalada Nairobi waxaana falkaasi loo xiray eedeysane John Matara Ongoa iyadoo booliisku ay weli baaritaano wadaan.