Ciidamada booliislka ee ismaamulka Murang’a ayaa baajiyay shir ay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya qorsheeyeen inay berri ku qabtaan dowlad deegaankaasi.
Waxaa arrintan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee Murang’a David Mathiu.
Taliyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in saraakiisha loogu talagalay inay sugaan amniga aag kale maadaama la doonaya in xilli hore lagu soo wargeliyo kulanka mucaaradka si ay ugu sii diyaar garoobaan taasina aynan dhicin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mucaaradka Azimio uu shalay un gudbiyay codsigiisa sidaas awgeedna aan laga oggolaan.