Booliiska Nyandarua oo billaabay baaritaan ku aaddan dab qabsaday guriyaha saraakiisha amniga

0
203

Ciidamada booliiska ee magaalada Olkalou ee ismaamulka Nyandarua oo ka tirsan gobolka bartamaha dalka ayaa billaabay baaritaano la xiriira dab saameeyay guriyaha saraakiisha amniga.
Waxay dabagal ku sameynayaan sababta keentay dab habeenimadii ay Isniinta soo galaysay qabsaday 5 ka mid ah guriyaha ciidamada ee saldhigga booliiska ee degmada Gichungo.
Dabka oo la soo tabiyay abaare 1-dii habeenimo ee Isniinta ayaa burburiyay qalab kala duwan oo ay ka mid yihiin baskiliyaal iyo mootooyin ay gacanta ku soo dhigeen booliiska.
Ma jirto cid ku dhaawacantay dhacdadaasi in kastoo uu ka dhashay walaac amni sida laga soo xigtay mid ka mid ah waxgaradka degmadaasi oo lagu magacaabo Githinji Mwaniki .