Ciidamada booliiska ee Ol Kalou oo ka tirsan ismaamulka Nyandarua ayaa bilaabay baaritaanno ku aaddan faraxumeyn iyo dil loo gaystay gabadh 12 sano jir ahayd.
Meydka gabadhan ayaa shalay laga dhex helay beerta ayeeydeed.
Awoowgeed oo lagu magacaabo James Thiong’o ayaa sheegay in ay dad ugu war dambeysay Talaadadii xilli ay aadday dukaan u dhow hooygooda si ay sokor uga soo iibiso.
Waxay doonaysay in ay mushaari u kariso hooyadeed oo mataano ku umushay isbitaalka JM Kariuki Memorial Hospital hasa ahaate ma aynan soo laaban.
Saraakiisha ka howlgalo saldhigga booliiska ee Ol Kalou oo goobta tagay ayaa meydka gabadha geeyay halka meydadka la dhigo.
Taliyaha booliiska ee dowlad deegaanka Nyandarua Stella Cherono ayaa xaqiijisay in dambi baarayaasha ay weli dabagal ku sameynayaan cidda falkaasi ka dambeysay.
Waxay sheegtay in uunan jirin qof weli la soo xiray balse baaritaannada ay socdaan si qoyska gabadha la faraxumeeyay ka dibna la dilay ay caddaalad u helaan.