Booliiska Nairobi oo xiray nin baxsad ka ah Maraykanka oo lala xiriirinayo dilka saaxiibtiis

0
280

Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Nairobi lagu xiray nin Kenyaan ah oo baxsad ka ah dalka Maraykanka oo ay baadigoobayeen mas’uuliyiinta wadankaasi.
Ninkan ayaa lala xiriirinaya dilka saaxiibtiis oo xiriir kala dhexeyay.
Kevin Kangethe, oo 40 sano jir ah oo baxsad ah, ayaa lagu xiray goob lagu caweeyo oo ku taalla xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi.
Kangethe ayaa looga shakisan yahay inuu Margaret Mbitu ku dilay gobolka Massachusetts ee dalka Maraynkanka bishii 11-aad ee sanadkii hore.
Gabadha ayaa meydkeeda laga helay gaari ku sugnaa garaash ku yaalla garoonka Logan ee gobolka Massachusetts ee wadanka Maraykanka maalmo ka dib markii la sheegay in la waayay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadaasi ka dib eedeysanaha uu u soo safro Kenya.
Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa uga mahadcelisay maamullada Kenya dadaalka ay ku bixiyeen qabashada ninkan.
Maraykanka ayaa ballan qaaday inuu kala shaqaynayo Kenya xoojinta iskaashiga sharci fulinta iyo ciribtirka falal dembiyeedyada.