Booliiska Nairobi oo xabsiga dhigay ugu yaraan 300 oo dambilayaal ah

0
497

Booliiska magaalada Nairobi ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan 300 oo tuhmanayaal ah ka dib howlgal weyn oo amni oo la sameeyay.
Howlgalladan ayaa daba socda cabasho dadweyne oo toddobaadyo socotay, iyadoo shacabka Nairobi ay baraha bulshada ku faafiyeen warar sheegaya inay sii kordhayaan falalka dhaca maalinlaha ah.
Howlgalka oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada booliiska iyo maamulka dowlad deegaanka Nairobi ayaa lagu soo furtay hub iyo hanti la dhacay.
Taliyaha booliiska bartamaha Nairobi Philemon Nyakombo ayaa xaqiijisay qabashada raggan, iyadhoo sheegtay in tuhmanayaasha qaar ay hubeysnaayeen oo ay halis ahayeen.
Dhowr tuhmane ayaa haatan loo soo taagay maxkamadda, kuwaas oo loo haysto eedeymo culus oo ay ka mid yihiin dhac iyo rabshado. Booliiska ayaa waxaa ay ku booriyeen dhibanayaasha falal dambiyeedka inay xogta muhiimka ah u soo gudbiyaan saraakiisha ammaanka si ay gacan uga geystaan xoojinta kiisaska.
Barasaabka Nairobi Johnson Sakaja ayaa dhankiisa ku booriyay dadka deegaanka in ay isticmaalaan lambarka lacag la’aanta ah ee degmada si ay u soo sheegaan dambiyada halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen oo kaliya baraha bulshada.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan baaritaano ku aadan shaqsiyaadka looga shakisan yahay in ay wax u dhimeen korontada xarunta CBD si loo fududeeyo fal dambiyeedka.