Ciidamada dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay inuu yahay maskaxda ka dambeysa xatooyada taleefoonnada gacanta ee magaalada Nairobi.
Laamaha ammaanka ayaa soo helay boqollaal oo ah taleefoonnada gacanta oo la xaday.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Jeremiah Mbugua, ayaa ka shaqeeya dukaan lagu iibiyo taleefoonnada gacanta ee celiska ah ama horraan la soo isticmaalay kaas oo ku yaalla waddada Gaberone ee bartamaha caasimadda dalka ee CBD-da.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dukaankiisa laga helay taleefoonnada gacanta ee la soo xaday iyo agabka kale oo elektoronig ah.
Eedeysanaha ayaa hadda xabsiga ku jira islamarkaana wuxuu booliiska ka caawinaya baaritaannada socda.
HUNDREDS OF STOLEN MOBILE PHONES RECOVERED IN CITY RAID
Detectives have arrested a man suspected to be the mastermind behind theft of mobile phones in city and recovered hundreds of stolen phones.
The suspect Jeremiah Mbugua, who operates a second hand mobile phone shop at… pic.twitter.com/0idh8F9qmM
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) September 7, 2023