Booliiska Mombasa oo xiray dhallinyaro ku faanay inay taleefoono dhaceen

0
388

Saraakiisha booliiska ee ismaamulka Mombasa ayaa gacanta ku dhigay shan qof oo dhallinyaro ah.
Waxaa loo haystaa inay ka mid yihiin koox gaysata falal dambiyeedyo.
Tani ayaa timid ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal laga dhex arkaya eedeysanayaashan oo ku faanaya waxyaabo ay kenyaanka ka dhaceen sida taleefoono
Magacyada tuhmanayaasha lagu qabtay Mombasa ayaa kala ah Vincent Ochieng, Shadrack Ochieng, Felix Otieno, Salim Cali iyo Shafi Yuusuf.
Laanta dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in howlgalkan lagu soo helay saddex taleefoon oo nooca Iphone-ka ah, mid Samsung ah iyo qalab kale.