Ciidamada booliiska ee ismaamulka Mombasa ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo loo haysto falal dhac ah oo laga gaystay deegaan baarlamaneedka Likoni.
Magacyada shakhsiyaadkan ayaa kala ah Bakari Bakari oo loo yaqaano Beka Boy (22 sano jir), Rajab Sumba (21), Juma Athman Mabanda (24) iyo Juma Cali oo ku magacdheer Bregedia (21).
Waxaa la rumeysan yahay inay xubno ka yihiin kooxo burcad ah oo dhibaateeya shacabka deegaankaasi ku nool.
Tallaabada lagu xiray afarta qof waxaa warbaahinta u xaqiijiyey taliyaha booliiska ee Likoni ,Timothy Muasya.
Mr.Muasya ayaa xusay in dadkan laga soo qabtay aagga Mvumoni ee Migombani oo ka tirsan deegaanka hoose ee Bofu Ward ee Likoni.
Taliya ayaa intaasi ku daray in saraakiisha ammaanka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah xubnaha lala xiriirinaya burcadnimada si loo sugo amniga deegaankaasi.
Shakhsiyaadka la soo xiray ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Likoni waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maanta maxkamadda la soo taagin.
Xariga afarta eedeysanayaal ayaa ku soo beegmaya ka dib markii horraantii bishan ay taliyaasha booliiska ee deegaannada ismaamulka Mombasa billaabeen howlgallo ballaaran.




