Booliiska Migori oo xiray qof loo haysto inuu arday dilay

0
240

Ciidamada booliiska ee magaalada Rongo ee ismaamulka Migori ayaa gacanta ku dhigay eedeysanaha ugu muhiimsan ee lala xiriirinaya dil loo gaystay arday dhiganayay jaamacadda Rongo University .
Saraakiisha dambi baarista ayaa xiray Titus Limangura.
Ardayga la dilay oo lagu magacaabi jiray Abel Chumba ayay eedeysanaha wada dhiganayeen jaamacadda.
Waaxda dambi baarista ayaa laga soo xigtay in tuhmanaha uu Abel toorri ka geliyay caloosha ka dib muran dhex maray taasoo keentay inuu dhaawacyo culus oo soo gaaray uu ugu geeriyoodo isbitaalka Tabaka .
Ciidamada booliiska ayaan ilaa iyo hadda caddeyn sababta rasmiga ee uu eedeysanaha u gaystay weerarka marka laga soo tago inay murmeen.
Waxaa hadda dhacdadaasi baaritaano dheeraad ah ku sameynaya saraakiisha dambi baarista ee magaalada Rongo.