Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in deegaanka Uriri ee ismaamulka Migori lagu xiray qof ku eedeysan inuu dhac gaystay.
Ciidamada ammaanka ee saldhigga Rapogi ayaa gacanta ku dhigay Victor Lenoc Ojwang.
Howlgalka eedeysanaha lagu soo qabtay ayaa sidoo kale lagu helay bastoolad.
Tuhmanaha ayaa hadda ku jira saldhigga booliiska ee deegaanka Uriri ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.