Booliiska Lamu oo helay 78 taleefoono ah oo la dhacay

0
432

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Lamu ayaa gacanta ku dhigay afar eedeysanayaal oo loo haysto falal dhac ah oo la gaystay.
Waxay sidoo kale soo heleen taleefoonnada gacanta oo gaaraya 78 kuwaasi oo la rumeysan yahay in la soo xaday.
Howlgalka ayaa yimid ka dib markii ay cabasho ka soo yeertay dadweynaha.
Saraakiisha ammaanka ee degmada Mpeketoni ee ismaamulka Lamu ayaa sidoo kale sheegay in ay soo heleen kombiyuutarrada shakhsiyeed oo horay loo dhacay.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa digniin u diray farsama yaqaannada taleefoonnada cillad bixiya iyo kuwa iibiya taleefoonnada celiska ah oo lagu wargeliyay in ay mas’uuliyadda qaadanayaan haddii lagu helo taleefoon la soo dhacay.
Waxaa digniintan dirtay afhayeenka booliiska dalka Dr. Resila Atieno Onyango.