Booliiska Kisumu oo billaabay baaritaanno ku aadan tareenno la dhagaxeeyay

0
326

Booliiska ismaamulka Kisumu ayaa billaabay baaritaanno ku aadan dhacdooyin kala duwan oo la xiriira dhagxaan lagu tuuray tareennada adeegsada marinka tareenka ee isku xira dowlad deegaannada Kisumu iyo Nairobi.
Sarkaalka sare ee saldhigga booliiska ee waaxda tareennada ee ismaamulka Kisumu Evans Getembe ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay dhacdhooyin la xiriira in dhagxaan lagu tuuray tareennada adeegsada marinka tareenka ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhacdooyinkan ay waxyeello u gaysteen daaqadaha tareennada islamarkaana ay khatar gashay nolosha dadka safarka ah.
Dhacdadii ugu dambeysay oo la soo tabiyay shalay, ayaa cidna waxyeello ka soo gaarin.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay xoojiyeen roondooyinka habeenkii, si ay gacanta ugu soo dhigaan shakhsiyaadka ka dambeeyay falalkaasi ka baxsan sharciga.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in booliiska uunan u dulqaadan doonin burburinta hantida dadweynaha iyo dhaqaalaha dalka.
Bishii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud Kipchumba Murkomen uu amar ku bixiyay in tareennada dalka ay kordhiyaan safaradooda, si ay gacan uga gaystaan dhimista ciriiriga waddooyinka inta lagu jiro xilliga fasaxa sanadka cusub.