Booliiska Kirinyaga oo baaraya dil uu macallin naftiisa u gaystay

0
384

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kirinyaga ayaa wado baaritaano ku aaddan dhacdo la sheegay in macallin uu naftiisa uga takhalusay.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Bariga Mwea, Patrick Nyaanga ayaa arrinkan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in meydka Danson Kariuki oo 51 sano jir ahaa laga helay tuulada Mirera.
Booliiska ayaa intaasi ku daray in macallinka uu wax ka dhigayay dugsiga hoose dhexe ee Urumandi oo ku yaalla deegaanka hoose ee Murinduko .
Taliyaha ayaa warbaahinta u sheegay in shacabka ay laamaha ammaanka ku soo wargeliyeen meydka macallinka oo ka laallaada geed.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababtii keentay in baraha uu is dilo waxaana socdo baaritaano xaqiiqo raadin ah.