Shacabka iyo mas’uuliyiinta ismaamulka Kajiado ayaa saraakiisha ammaanka ka codsaday in ay gacanta ku soo dhigaan koox dhallinyaro ah oo loo haysto in ay ilaa 7 haween ah kula kaceen kufsi.
Dhacdooyinkan ayaa laga soo tabiyay aagga Magadi waxaana dadka ay saameynta ka soo gaartay ka mid ah haween da’ ah.
Dadweynaha ayaa sheegay in hal bil gudaheeda la kufsaday afar dumar ah waxaana falkaasi loo xiray eedeysane hadda ku jiro xabsiga.
Shacabka ayaa doonaya in booliiska ay fiiro dheer u lahaadaan falalkan oo tallaabo sharciyeed laga qaado cid kasta oo ku lug leh.