DHAGEYSO:Booliiska Islii oo baaraya dhacdo wiil ganacsade ah lagu toogtay

0
979

Ciidamada booliiska ee xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi ayaa billaabay baaritaano la xiriira fal galinkii dambe ee shalay lagu dhaawacay ganacsade.
Falkan ayaa laga soo tabiyay waddada Muratina ee Pumwani.
Tani ayaa timid ka dib markii la faafiyay muuqaal laga dhex arkaya qof mooto saarnaa oo intii uu ka soo degay wiilka ganacsadaha ah oo ay mooto kale sidday ka dalbanaya inuu lacagta ku wareejiyo kadibna tooganaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ganacsadaha laga dhacay in ka badan 4 milyan oo shilin.
Aadan Cali ayaa hadda laga daaweynaya dhaawac ka soo gaaray toogashada loo gaystay.
Waxaa laga shakisan yahay in tuugada toogatay ay ku daba jirtay tan iyo markii uu lacagta soo qaadayay.
Isaaq Aadan oo ka mid ah ehellada ganacsadaha la dhaawacay iyo xoghayaha guddiga ganacsatada ee xaafadda Islii Cumar Ibraahim Xuseen ayaa arrinkan ka hadlay waxayna dowladdu ugu baaqeen inay amniga adkeyso.

Isbitaalka Health Gate oo la geeyay ayaa maamulkiisa laga soo xigtay in ganacsadaha uu dhaawac ka soo gaaray dhanka duud dambeedka.