Booliiska India oo xiray 74 ka mid ah qaxootiga Rohingya

0
206

Ciidamada booliiska ee dalka India ayaa xabsiga u taxaabay 74 qof oo ka mid ah qaxootiga bulshada Rohingya.
Dadkan ayaa lagu eedeyay inay si sharci darro ah ugu nool yihiin gobolka Waqooyi ee Uttar Pradesh ee wadankaasi.
Waxaa tallaabadan cambaareeyay shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha qaxootiga iyo baniaadannimada oo sheegay in laamaha ammaanka ee India ay si aan kala sooc lahayn u xireen dad colaad ka soo cararay.