Booliiska India oo kala eryay beeraley dibadbax dhigay

0
194

Ciidamada booliiska ee dalka India ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay kumanaan qof oo beeraley ah oo isugu soo baxay waddooyinka magaalada New Delhi.
Tani ayaa timid ka dib markii ay fashilmeen wada hadallo u dhexeeyay beeraleyda iyo dowladda dalkaasi.
Waxay beeraleyda dalbanayaan in dowladdu ay siiso taageero iyo damanaqaad dheeraad ah oo ku aaddan qiimaha dalagyada ay ka soo saareen beerahooda iyo in deymaha laga cafiyo.
Dowladda dalka India ayaa saddex sano ka hor ballan qaadday inay laba jibbaari doonto dakhliga beeraleyda balse waxaa lagu dhaliilaya inay ka gaabisay inay go’aan ka soo saarto dalabaadka beeraleyda.
Saddex meelood labo meel shacabka dalka India oo ah ugu yaraan 1.4 bilyan oo qof ayaa nolol ahaan ku tiirsan wax soo saarka beeraha.
Tani ayaa u dhiganta ku dhawaad shan meelood hal meel dhaqaalaha guud ee dalkaasi sida laga soo xigtay dowladda India.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada booliiska ay bar kontoroollo ka sameeyeen meelo badan oo laga soo galo magaalada New Delhi.
Waxaa la mamnuucay in dad badan ay isugu soo baxaan caasimadda India halka la hakiyay isticmaalka adeegga intarneerka ee degmooyin badan oo hoos tago gobolka Haryana.