Ciidamada booliiska ee ismaamulka Homa Bay ayaa wado baaritaano ku aaddan fal lagu kufsaday ka dibna la dilay haweeney naafo ka ahayd dhanka maqalka .
Dad aan weli haybtooda la garan ayaa dhibaatadan gaarsiiyay Wilkister Odanga oo 68 sano jir ahayd.
Waxaa habeenimadii ay Talaadada soo galeysay lagu soo weeraray gurigeeda oo ku yaalla tuulada Nyagidha.
Mid ka mid ah ehelladeeda ayaa meydka haweeneydan shalay subax arkay ka dib markii uu ka war doonay maadaama aynan soo kicin.
Hasa ahaate ma jiro wax laga dhacay gurigeeda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneyda la dhibaateeyay ay keligeed gurigaasi ku noolayd ka dib markii uu seygeeda geeriyooday in ka badan 10 sano ka hor.
Meydka Wilkister Odanga ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Homa Bay waxaana lagu wadaa in lagu sameeyo qaliin baaritaan ah.




