Booliiska Homa Bay oo 2 qof u xiray ka ganacsiga daroogada

0
172

Ciidamada ka howlgalo saldhigga booliiska ee Homa Bay ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo ku eedeysan gudbinta nooca daroogada ee Xashiishka.
Waxay maandooriyaha ku sideen baabuur ah Toyota Probox.
Tuhmaneyaasha ayaa laga soo qabtay meel u dhow buundada Arujo Bridge.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa laga soo xigtay in howlgalku uu ahaa mid ku saleysan xog sirdoon .
Waxay intaasi ku dareen in ka dib baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameeyay baabuurka lagu helay ilaa 2,100 xirmo oo xashiish ah oo ah qiyaastii 300 oo kiilogaraam oo lagu qariyey 6 jawaan.
Eedeysaneyaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee magaalada Homa Bay waxayna marayaan baaritaan dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada guud ahaan waddanka.