Saraakiisha booliiska ee ismaamulka Garissa oo fuliyay howlgal iskudhaf ah ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo lala xiriirinaya falalka dhaca hantida shacabka.
Shakhsiyaadkan ayaa laga soo qabtay xerada qaxootiga ee IFO ee deegaanka Dadaab.
Ciidamada ayaa sidoo kale soo helay qori uu noociisu yahay AK47 ,labo qasnadood iyo 42 xirmo oo rasaas ah.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa qoraal ku sheegay in howlgalkan la fuliyey ka dib xog ay saraakiisha ammaanka ka heleen dadweynaha .
Booliiska ayaa shacabka ku bogaadiyay macluumaadka ay la wadaageen ee fududeeyay in la soo helo hubka.
Labada eedeysanayaal oo aan magacyadoodu la shaacin ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Two suspects believed to have masterminded a robbery with violence incident in Daadab, Garissa County have been arrested and a firearm recovered. The duo Hassan Barre Hussein aka Hassan Noor Hussein and Ali Issack Muhammud aka Ali Geographia were arrested within IFO police
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) April 8, 2023
The two are currently in custody pending arraignment. #FichuakwaDCI 0800722203.
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) April 8, 2023