Booliiska Garissa oo qabtay haweeney dhac ku eedeysan

0
378

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Garissa ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay haweeney lagu magacaabo Mumeni Nguma oo 37 sano jir ah.
Waxaa lala xiriirinaya fal dhac ah oo awood loo adeegsaday iyadoo adeegga qaran ee booliiska ee NPS uu bayaan ku sheegay in howlgalkaasi lagu soo helay bastoolad.
NPS ayaa hoosta ka xarriiqday in 5-tii bishan Sideedaad xilli habeen ah bastooladda laga dhacay qof ay u sharciyeysnayd oo ka soo baxay masjid ku yaalla xaafadda Burburis kuna wajahnaa hooygiisa.
Waxaa xilligaasi qofka weeraray burcad ka koobnayd 3 xubnood oo adeegsanayay qoriga nooca AK-47, bastoolad iyo budh mise garruun waxayna ka qaateen bastooladda iyo lacag .
Haweeneyda ayaa laga soo qabtay goob ay ku dhuumanaysay oo ku taalla Madogo oo ka tirsan ismaamulka Tana River.
Eedeysanaha ayaa hadda ku jirto saldhigga booliiska ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin halka ay ciidamada raadinayaan labadii qof ee kale ee ku lugta lahaa falkaasi dhaca ah.