Booliiska Garbatula oo soo helay 300 oo neef ari ah oo laga dhacay dad ku nool Isiolo

0
211

Saraakiisha booliiska ee Garbatula, ismaamulka Isiolo, ayaa soo helay 300 oo neef oo ari ah oo laga xaday laba xoolo dhaqato oo deegaanka ah.
Sida laga soo xigtay Adeegga Booliska Qaranka, riyaha waxaa xaday shan qof oo looga shakisan yahay inay yihiin burcad, kuwaas oo la sheegay inay ka tageen xoolaha si ay uga baxsadaan xarigga ciidamada .
“Markii ay heleen warbixin sirdoon , saraakiisha Saldhigga Booliska Garbatula ayaa si degdeg ah uga jawaabay waxayna dib u soo celiyeen xoolaha la xaday.
NPS waxay sheegtay in dadaallada lagu raadinayo laguna xirayo tuhmanayaasha ay socdaan.