Waxaa lagu soo warramayaa in ilaa iyo hadda ciidamada booliiska ee dalka Faransiiska ay gacanta ku dhigeen 700 oo qof oo ka qayb qaadanayay dibadbaxyada halkaasi ka socdo.
Waxaa uu habeenkii Shanaad xalay iskudhac dhex maray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha.
Rabshadaha wadankaasi ka taagan ayaa ka dhashay toogaasho ciidamada booliiska lagu eedeyay inay toddobaadkii hore u gaysteen wiil 17 sano jir ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Nahel .
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dib u dhigay safar rasmi ah oo lagu waday inuu maanta uga billowdo dalka Jarmalka.
Dhanka kale kumanaan ka mid ah booliiska la tacaala rabshadaha ayaa laga howlgeliyay magaalooyinka Faransiiska.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dibadbaxayaasha ay ilaa iyo hadda dab qabadsiiyeen 2,000 oo baabuur ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 200 oo booliis ah ay ku dhaawacmeen iskudhacyada kala dhexeya shacabka dibadbaxaya.
Wasiirka maaliyadda ee Faransiiska Bruno Le Maire ayaa dhankiisa sheegay in tan iyo Talaadadii la soo dhaafay la bililiqeystay ama la gubay in ka badan 700 oo isugu jiro dukaamo , suuqyada laga adeegta , maqaayado iyo laamaha bangiyada ee dalkaasi.




