Ciidamada booliiska ee ismaamulka Embu ayaa billaabay baaritaanno la xiriira dilka nin da’diisa lagu sheegay 45 sano.
Ninka oo shalay la dilay ayaa wuxuu gacan ka hadal dhexmaray wiilal ay dhashay haweeney 50 sano jir ah oo uu xiriir jaceyl kala dhexeyay.
Saraakiisha dambi baarista ayaa ninka laga takhalusay magaciisa ku sheegay Peter Mwangi Njeru.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Peter Mwangi uu booqasho ugu tegay Euphraith Wangare, oo ah hooyada dhashay labada wiil ee dilka gaystay oo ku nool tuulada Itherembu ee ismaamulka Embu.
Warbixin uu booliiska soo saaray ayaa lagu sheegay in khilaafka uu salka ku hayo hamiga ninka dhintay oo ahaa in uu habeenkii ku hooydo guriga haweeneyda uu xiriirka kala dhexeyay.
Hasa ahaate labada wiil ee ay dhashay haweeneyda ayaa sheegay in Peter Mwangi uusan ahayn aabbahood, sidaas darteedna uusan mudneyn inuu gurigooda ku hooydo.
Booliiska ayaa sheegay in qofka dhintay uu diiday inuu ka tago gurigaasi taasoo keentay dagaal gacan ka hadal ah.
Dilka ayaa la sheegay in labada wiil ee walaalaha ah ay u adeegsadeen xaawada dabka lagu shido.
Goobta uu dilka ka dhacay oo la baaray, ayaa lagu arkay meydka ninkan oo qaybo ka mid jirkiisa ay go’an yihiin, dhowr nabarna ay ka muuqdaan.
Meydka ayaa loo qaaday goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka heerka 5-aad ee dowlad deegaanka Embu.
Dhanka kale, mid ka mid ah tuhmanayaasha, oo lagu magacaabo Kevin Macharia oo 19 sano jir, ayaa la xiray iyadoo booliiska ay billaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadan.