Booliiska Eldoret oo laba nin gacanta ku soo dhigay

0
320

Booliiska magaalada Eldoret ayaa gacanta ku haya laba nin oo looga shakisan yahay inay 100 dhallinyaro ah ku khiyaameen hay’ad shaqaaleeysin oo been abuur ah, iyagoo u ballan qaaday shaqooyin dibadda ah.
Saraakiisha Waaxda Dambi Baarista (DCI) ayaa soo qabtay labadan nin iyaga oo lacag ka ururinaayo dhallinyaro isugu soo baxaday waddada Line Silver ee magaalada Eldoret.
In ka badan 100 dhallinyaro ayaa saraakiisha ammaanka ee Eldoret ka codsaday in loo soo celiyo 2,400 oo shillin oo looga qaaday isdiiwaan gelin.
Nimanka ayaa la filayaa in maxkamadda la soo taago marka la soo gabagabeeyo baaritaanka ka dhanka ah.