Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in dowladda dhexe ay laga billaabo bisha Toddobaad ee sanadkan dhaqangelin doonto isbeddello ballaaran oo lagu sameynaya waaxyaha booliiska iyo asluubta ee dalka.
Waxaa qorshahan qayb ka ah in ciidamada ammaanka mushaarka ay qaataan loo kordhiyo boqolkiiba 40.
Tani ayaa qayb ka ahayd soo jeedinnadii guddigii uu hoggaaminayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka David Maraga ee loo xil saaray inuu qiimeyn ku soo sameeyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan booliiska iyo ciidamada waaxda asluubta ee dalka.
Omollo ayaa cadeeyay in mushaar kordhinta ay qaadan doonto muddo saddex sano ah.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan uu la qaatay saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka.