Boob loo gaystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan

0
260

Maleeshiyaad hubeysan ayaa bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee wadankaasi Amb. Maxamad Sheekh Isxaaq.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan  ayaa qoraal uu ka soo saaray arrintaan wuxuu ku yiri, “Waxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee wadanka Suudaan.
Waxaa uu safiirka intaasi ku daray in la qaatay gawaaridii Safaaradda Soomaaliyeed, falkaas wuxuu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan maaleeshiyaad hubeysan oo uu sheegay in aysan ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha diblomaasiyiinta caalamka.
Bishii hore ayay ahayd markii la jabsaday safaaradda Soomaaliya ee Khartoum, iyadoo halkaas lagala baxay hal gaadiid oo dad shacab ah ay lahaayeen iyo agab kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay dadkeeda uga daadguraysay dalka Suudaan oo ay dagaalo sokeeye ka socdaan, iyadoo ciidamada ku dagaalamaya Khartoum ku dhaleecaysay inay ku fashilmeen ilaalinta dadka rayidka ah iyo hantidooda.