Waxaa maanta oo isniin ah la filaya in maxkmada la soo taago Boniface Mwangi oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ka dib markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada dambi baarista ee dalka DCI-da.
Bdambi baarayaasha dalka ayaa sheegay in Boniface loo xiray howlo argagixiso ah.
Waxaana lagu soo eedeeyay in hub argagixiso laga helay hoy’giisa.
Ninkan oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha ayaa marar badan waxaa uu dhaliil u jeediyay xukumada uu hogaamiyo madaxweynaha dalka William Ruto.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah oo uu ka mid yahay Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inuu si kulul u cambaareynaya xarigga loo gaystay Boniface Mwangi
Waxaa uu ku tilmaamay qof geesi ah oo u ololeeya runta iyo cadaaladda.
Kalonzo ayaa xusay inuu kooxdiisa qareennada ah faray in ay sameeyaan wax kasta si loo xaqiijiyo in Boniface Mwangi loo siidaayo sida ugu dhaqsiyaha badan.
Waxaa uu hadalkiisa in uunan ku biiri doonin maamulka talada dalka haya oo uunan wax wada xaajood ah kala qayb qaadan doonin.




