Bolivia oo xiriirka dibloomaasiyadeed u jartay Israa’iil

0
253

Dowladda dalka Bolivia ayaa shaacisay inay xiriirka u jartay Israa’iil duqeymaha ay ka wado gudaha Qaza awgood.
Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Bolivia Freddy Mamani ayaa shir jaraaid oo uu xalay qabtay ka sheegay inay go’aansadeen inay meesha ka saaraan cilaaqaadkii dibloomaasiyadeed ee ay la lahaayeen Israa’iil.
Tallaabadan ayuu sheegay inay tahay mid ka turjumaysa sida ay uga soo horjeedaan oo ay u cambaareynayaan gar-darrada iyo duullaanka militari ee xad ka baxa ah ee Israa’iil ay ka fulinaysa marinka Qaza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labo dal oo kale oo dhaca Latin America, Colombia iyo Chile inay dib ugu yeereen safiirradii u fadhiyay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil si wada tashi loo sameeyo.
Ururka Xamaas ayaa waddamada Carbeed ugu baaqay inay qaadaan tallaabo la mid ah tan Bolivia.