Bob Njagi oo ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada oo isaga iyo labo qof oo kale bishii Sideedaad ee sanadkii hore laga afduubtay degmada Kitengela ee ismaamulka Kajiado ayaa xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen sheegay in ay hal meel ku wada xirnaayeen wakiilkii deegaanka hoose ee Dela ee ismaamulka Wajeer Yuusuf Xuseen Axmad oo la waayay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu aqoonsaday wakiilka ka dib markii uu ka eegay meel duleel ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in Yuusuf goobtaasi la geeyay habeennimadii Jimcada ee 13-kii bishii Sagalaad ee 2024-kii oo ay dad ugu war dambeysay.
Njagi ayaa tilmaamay in wakiilka xilli dambe la geliyay qol ku xigay midkii isaga lagu hayay wuxuuna xusay inuu halkaasi ka soo tagay iyadoo uu wakiilka weli nool yahay.
Waxaa weli socdo baaritaannada la xiriira maqnaanshaha Yuusuf Xuseen Axmad iyadoo bil ka dib markii la waayay meyd isaga loo maleynayay laga helay harada Yahuud ee Wajeer in kastoo qalliinno baaritaan oo la sameeyay lagu ogaaday in meydkaasi uunan wakiilka Dela ahayn.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 22-kii bishii hore ay maxkamadda sare ee waddanka taliyaha guud ee booliiska Douglas Kanja ay ku amartay inuu wakiilka ku soo bandhigo muddo 14 cishe gudaheeda ah.