Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ,Antony Blinken ayaa safar ku tagay magaala madaxda wadanka Shiinaha ee Beijing.
Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka uu halkaasi ku tago ku dhawaad shan sano.
Blinken ayaa Shiinaha ku sugnaan doono labo cishe waxayna labada dowladood rajo wanaagsan ka muujinayaan inay wanaajin doonaan xiriirkooda dhanka ganacsiga , tikonolojiyadda iyo amniga.
Waxaa la filayaa in Antony Blinken uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta Shiinaha.