Blinken oo dowladda Ivory Coast ku bogaadiyay la dagaallanka kooxaha hubeysan

0
224

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta dowladda dalka Ivory Coast ku ammaanay qaabka ay ula dagaallantay kooxaha hubeysan.
Waxaa uu sheegay in dowladda wadankaasi ay qaadatay qaab ka hooseeya nidaamka adeegsiga militari.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu socdaal ku tagay Ivory Coast.
Sidoo kale waxaa uu Ivory Coast ku bogaadiyay go’aankii ay ka qaadatay afgembigii militari ee sanadkii hore ka dhacay dalka Niger iyo dadaallada ay ku bixinaysa in la sugo amniga xuduudda Mali iyo Burkina Faso iyadoo si gaar ah ay u sameynaysa maalgelin dhaqaale.