Biyo yari saameysay Homa Bay

0
364

Shacabka magaalada Homa Bay ayaa cabasho ka muujinaya biyo yari soo foodsaartay oo ay wajahayaan muddo bil ah.
Tani ayaa timid ka dib markii shirkadda adeegga korontada ee dalka ee Kenya Power ay meesha ka saartay adeeggii korontada ee shirkadda biyaha ee ismaamulkaasi.
KPLC ayaa tallaabadan qaadday ka dib markii shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee ismaamulka Homa Bay ee HOMAWASCO lagu yeeshay deyn dhan 10 milyan oo shilin.
Meelaha ay biyo yarida saameysay waxaa ka mid ah Got Rabuor, Shopia, Shauri Yako, Makongeni iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Homa Bay Town.
Agaasimaha guud ee shirkadda HOMAWASCO ,Tom Nyonje ayaa dhankiisa sheegay in qarashaadka korontada ay bixinayaan toddobaadkan si shacabka ay biyo u helaan.