Bixinta mushaaraadka macallimiinta dalka Guinea Bissau oo la hakiyey

0
281

Dowladda wadanka Guinea-Bissau ayaa amar ku bixisay in si ku meel gaar ah loo joojiyo lacagaha mushaaraadka ee la siiyo macallimiinta dalkaasi.
Bayaan ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol-leeyahay in meesha looga saaro shakhsiyaad been abuur ah oo ay macluumaadkooda ku jiraan hannaanka mushaaraadka.
Guinea-Bissau oo inta badan ku tiirsan deeq dibadeed si ay ugu bixiso mushaaraadka macallimiinta ayaa sheegtay inay si wayn ula tacaali doonto shaqaalaha been abuurka ah si loo dhimo qarashaadka mushaaraadka.
18-kii bishan ayay ahayd markii golaha wasiirrada ee dalkaasi ay wasaaradda waxbarashada ku amreen inay tirakoob ku sameyso shaqaalaheeda.
Go’aanka lagu hakiyay mushaaraadka barayaasha ayaa saameynaya 8,000 oo ah macallimiin wax ka dhiga dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dalkaasi.
Guinea-Bissau oo ay ku nool yihiin qiyaastii 2.1 milyan oo qof ayaa heerka aqooneed ee shacabka lagu tilmaamaa boqolkiiba 56.