Biden oo Xamaas ugu baaqay in ay aqbasho xabbad joojin

0
131

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ururka Xamaas ee dalka Falastiin ugu baaqay inuu oggolaado in bisha barakeysan ee Ramadaan ay xabbad joojin ka dhaqan gasho Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii Xamaas ay sheegtay in aynan sii socon karin wada hadallada ku aaddan xabbad joojinta iyo in maxaabiis la is dhaafsado.
Waxaa Biden ka sii horreeyay oo Xamaas kula taliyay inay oggolaato xabbad joojin degdeg ah xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken .
Waxaa dhawaan kulamo dhexdhexaadin ah magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ku yeelanayay ergo matalaysa Maraykanka , Qatar iyo Masar oo doonaya in Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyaan xabbad joojin.