Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u hambalyeeyay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo dhawaan dib loogu doortay hoggaanka wadankaasi.
Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qorsho uu Turkiga dalka Maraykanka uga soo iibsanaya diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo ku biiridda Sweden ee gaashaanbuurta NATO.
Wada hadal dhanka taleefoonka ah oo ay yeesheen madaxdan, ayuu Erdogan ku xaqiijiyay in dowladiisa ay daneynaysa inay soo iibsato diyaaradaha lagu sameeyay Maraykanka.
Biden ayaa u sheegay Erdogan inay doonayaan in maamulkiisa uu soo afjaro diidmada ku aaddan in Sweden ay xubin ka noqoto NATO sida laga soo xigtay hoggaamiyaha Maraykanka.