Biden oo sheegay inuu horraan saadaaliyay in Ruushka uu weerari doono Ukraine

0
373

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Ruushka uu weerar aan loo meel dayin ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine.
Waxaa uu xusay inuu horraan saadaaliyay in Ruushka uu weerari doono Ukraine.
Biden ayaa wacad ku maray cunaqabatayn cusub oo uu kusoo rogi doono Ruushka.
Waxaa uu tallaabada Ruuska qaaday ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa yiri “Putin wuxuu doortay dagaal, wuxuuna la kulmi doona cawaaqib xumo”
Waxaa uu sheegay in cunaqabataynta reer galbeedka ay beegsan doonaan afar bangi oo Ruushk ah.