Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah u shaaciyey ololihiisa doorasho oo uu doonaya in sanadka 2024-ka dib loogu soo doorto xilka madaxtinnimo.
Rayi uruurin dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dad badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ay sheegeen in xilliga doorashada sanadka soo socdo ay taageeri doonaan Biden.




