Biden oo shaaciyay in COVID-19 laga cirib tiray Maraykanka

0
259

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in cudurka COVID-19 uunan hadda ka jirin dalkaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kastoo ay weli dhibaato jirto in xaaladdu ay soo hagaagayso.
Joe Biden ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta CBS ku sheegay in dowladdiisa ay dadaal badan sameynayso sidii loo xakameyn lahaa cudur sidaha.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay sheegtay inay u muuqato in laga gudbaya caabuqa corona.
Bishii Siddeedaad ayay ahayd markii maamullada caafimaadka ee Maraykanka ay xaalad degdeg oo caafimaad oo jirtay laga soo billaabo bishii Jannaayo ee sanadkii 2020-kii ay kordhiyeen ilaa 13-ka Oktoobar ee sanadkan.
Cudurka COVID-19 ayaa waxaa guud ahaan caalamka ugu dhintay in ka badan 6.5 milyan oo qof iyadoo Maraykanka uu ka mid yahay waddamada laga diiwaangeliyay dhimashada ugu badan.