Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku baaqay in dhigiisa Ruushka Vladimir Putin lagu soo oogo dacwad ah in maamulkiisa uu dembiyo dagaal ka gaystay Ukraine.
Waxaa uu Biden sheegay in xukuumadda Washington ay dowladda Ruushka ku soo rogi doonto xayiraad cusub oo ay uga falcelinayso xasuuq Moscow lagu eedeyay inay u gaysatay shacabka magaalada Bucha.
Biden oo Putin ku tilmaamay dambiile ayaa xusay in waxa ka dhacay Bucha aynan caadi ahayn oo qof kasta uu la socdo.