Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in Israa’iil laga doonayo inay aad uga feejignaato waxyeelleynta rayidka ku nool Qaza marka ay fulinaysa weerarrada ka dhanka ah ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Waxaa farriintan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu u gudbiyay la taliyaha amniga qaranka Maraykanka Jake Sullivan oo ay kulmeen.
Wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil Yoav Gallant ayaa dhankiisa Jake Sullivan u sheegay in militariga Israa’iil uu u baahan yahay bilooyin kooban si uu uga guulaysto Xamaas.
Waxaa uu sheegay in duullaanka militari ee ay ka wadaan Qaza uu noqon doono dagaal muddo dheer socda.
Ugu yaraan 18,787 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee gudaha Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan.




