Biden oo cambaareeyay weerar uu Ruushka ka gaystay Ukraine

0
357

Madaxweynaha xafiiska banneynaya ee Maraykanka Joe Biden ayaa cambaareeyay weerar uu Ruushka ku bartilmaameedsaday kaydka korontada ee dalka Ukraine.
Waxaa uu ballan qaaday in ay kordhin doonaan hubka ay siiyaan xukuumadda Kyiv.
Shalay ayay ahayd markii dowladda Ruushka ay in ka badan 170 gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ay ku weerartay Ukraine.
Waxaa halkaasi lagu dilay mid ka mid ahaa shaqaalaha waaxda tamarta ee Ukraine.
Biden ayaa bayaan ku sheegay in Maraykanka uu sii xoojin doono difaaca Ukraine ee ka dhanka ah ciidamada Ruushka.